Waxaa si heer sare ah inoogu soo dhamaaday barnaamijkii Ciidsiinta ee sanadkan, oo ah kii lixaad ee xiriir ah ee aan u qabanno ubadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada. Tani waa mid ka mid ah hawlaha ugu weyn ee sanadlaha ah ee ay qabanqaabiso ururka SOGHA si loo taageero, loo dhiirigeliyo, loona farxiyo ubadka Soomaaliyeed, si ay iyaguna u helaan fursad ay kaga qeybqaataan damaashaadka iyo farxadda maalinta barakeysan ee Ciidul Fitriga.
Barnaamijkan oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ubad ah iyo waalidiintoodii, waxaa lagu qabtay jawi farxadeed, mid nabadeed, iyo isdhexgal qoysas badan. Waxaa jiray cunto, hadiyado, Khudbado dhiirrigelin ah, sawirro qurux badan, iyo fursado kale oo badan oo ubadku ay u riyaaqeen. Waxaa kaloo barnaamijka ka mid ahaa qayb wacyigelin ah oo ku saabsan qayimka gabadha Soomaaliyeed, booska ay uga jirto bulshada, iyo ka qaybqaadashada hagaagsan ee ubadka Soomaaliyeed iyo mustaqbalkooda.
Mahadcelin gaar ah ayaan halkan uga jeedinaynaa dhammaan dadkii, hay’adihii, ganacsatadii iyo tabarucaayaashii kale ee nagu garab istaagay sidii uu barnaamijku u hirgeli lahaa. Taageeradiina qiimaha leh ayaa ka dhigtay maalintan mid aan la ilaawi karin – waana tusaale kale oo muujinaya in marka ay bulshadu si mideysan ay u istaagto dan guud, natiijada laga helaa ay ah guul weyn oo aan la illaawi karin.
Ka urur ahaan, waxaannu dareemaynaa sharaf iyo farxad weyn inaan mar kale qeyb ka noqonay farxadda ubadkeenna, kuwaas oo wejiyadooda laga dheehan karay damaashaad, mahadnaq iyo kalgaceyl. Waxaan rumeysannahay in maalmaha noocan oo kale ah ay xasuus iyo saameyn wanaagsan ku yeeshaan nolosha ubadka, si ay u helaan kalsooni, xasuus wanaagsan, iyo dareen qaddarin taaso ah in la jecel yahay.
Barnaamijka wuxuu xambaarsanaa fariin aad u qiimo badan oo sanadkan si gaar ah loo xushay:
“HADDAAN GABADHI KULA JIRIN, NOLOSHU GUUL MALEH”
Waa xusuusin ku saabsan doorka muhiimka ah ee gabadha Soomaaliyeed ku leedahay qoyska, bulshada, iyo horumarka guud. SOGHA waxay mar walba ka shaqeysaa sidii loo taageeri lahaa gabdhaha, loona siin lahaa fursado waxbarasho, koboc, iyo ka qaybgal buuxa oo arrimaha bulshada.
Gallery







Ilaahay ha inoo fududeeyo sanadka soo socda, hana inoo barakeeyo ubadkeenna.