Waxaa si qurux badan inoogu soo dhamaaday kulan Dood wadaag ah oo ay Martigalisay Hay’ada SOGHA oo looga hadlaayey “TACADIGA KA DHANKA AH HAWEENKA”.
Waxaana looga hadlay Hadimadaha iyo dhibaatooyinka lagula kaco Dumarka, sida loo yareyn-karo, shareecadda islaamka iyo qawaaniinta guud ahaan waxa ay ka dhaheen in dumarka loo waxyeeleeyo mid nafsi ah, mid jir ahaaneedba iyo cidda masuulka ka ah ee mudan in lagula xisaabtamo.


