Waxaa si habsami leh noogu qabsoomay kulan aragti wadaag ah oo aan uga hadlaynay “Sababaha keenay goobaha waxbarashada, mehradaha ganacsiyada iyo badi masaajidada magaalada inay sameyn waayaan meelo ku haboon in ay dumarka salaadaha ku tukadaan”
Waxaan aad u falanqeynay sida aanay dumarku u heli karin goobo ay ku tukadaan xiliyada ay soo aadaan suuqyada, iskuulada jaamacadaha iyo goobaha shaqada.
Masaajidadeenu waxay u baahan yihiin in loo sameeyo qeybo dumarka ay ku tukan karaan, waa inay noqotaa wax caadi ah.
Way wanaagsan tahay in dumarka ay ku tukadaan guriga, laakiin ma beddaleyso xaqiiqda ah in qofna uusan u diidin inay ku tukadaan Masjidka.
Nabiga NNKH wuxuu yiri:
“لا تمنعوا إماء الله مساجد الله”
“Ha u diidina dumarka masaajidada Alle”


