SOMALI GIRLS HOPE ASSOCIATION

Saameynta Colaadaha Soomaaliya ee Caafimaadka Maskaxda: Bogsiinta Boogaha Qarsoon

Saameynta Colaadaha Soomaaliya ee Caafimaadka Maskaxda: Bogsiinta Boogaha Qarsoon

Waxa Qortay: Filsan Dayib Yusuf Goobta: Soghasom.org

Soomaaliya waxay soo martay qarnigan colaado iyo barakac baaxad weyn leh, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay nolosha qaybaheeda kala duwan. In kasta oo burburka hantida iyo dhimashada la arki karo, haddana waxaa jira boog qarsoon oo ka dhalatay dagaallada: Dhibaatada Caafimaadka Maskaxda.

Colaaduhu ma ahan oo kaliya rasaas iyo barakac, waxay keenaan cabsi joogta ah, walwal, iyo kalsooni darro maskaxeed oo raad ku reebta qofka muddo dheer.

1. Dhibaatada iyo Saameynta Caafimaadka Maskaxda

Dagaallada joogtada ah waxay sare u qaadeen heerka xanuunnada maskaxda ee Soomaaliya. Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO, 2022), ugu yaraan 30% dadka Soomaaliyeed waxay la dhibtoonayaan walwal, murug iyo xanuunka loo yaqaan PTSD (Dhibka ka dhasha dhacdooyinka naxdinta leh).

2. Saameynta Gaarka ah ee Carruurta iyo Dhalinyarada

Carruurtu waa kuwa ugu nugul saameynta colaadaha maadaama maskaxdoodu aysan xamili karin naxdinta dagaalka.

  • Carruurta: Waxay lumiyaan naxariista iyo dareenka, iyagoo noqda kuwo qalbi adag ama gabi ahaanba lumiya kalsoonida naftooda.
  • Dhalinyarada: Colaaduhu waxay dilaan hamigooda mustaqbal, iyagoo ku abuura niyad-jab iyo dareen rajo la’aan ah oo xaddida kobocooda maskaxeed.

3. Caqabadaha Bulshada iyo Takoorka (Stigma)

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn waa sida ay bulshadu u aragto xanuunnada maskaxda. Inta badan, xanuunnada dhimirka looma arko xanuun caafimaad, balse waxaa loo aaneeyaa:

  • Sixir ama Jinn: Tani waxay keentaa in bukaanka lagu xiro silsilado ama lagu hayo meelo cidlo ah halkii la geyn lahaa dhakhtar.
  • Faquuq iyo Ceeb: Qoysas badan ayaa qariya xubnaha xanuunsan si aysan “ceeb” ugu soo jiidin reerka, taas oo sii kordhisa kali-nimada iyo xanuunka bukaanka.

4. Yaraanta Kheyraadka iyo Dhakhaatiirta

Nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya wuxuu wajahayaa caqabad dhanka adeegga ah. Qiyaastii, dalka waxaa ka shaqeeya 2 dhakhtar oo kaliya oo ku takhasusay maskaxda marka loo eego 3 milyan oo qof (WHO, 2022). Farqigan weyn ayaa ka dhigan in dad badani aysan helin daryeelka ay u baahan yihiin.

5. Fursadaha Mustaqbalka iyo Bogsiinta

In kasta oo ay caqabaduhu jiraan, haddana waxaa jira rajo. Isku xirka caafimaadka guud iyo adeegyada caafimaadka maskaxda ee gudaha bulshada ayaa bilaabay inay bixiyaan natiijooyin wanaagsan. Si loo helo Soomaaliya nabad ah, waa in marka hore la daweeyaa maskaxda dadka ay colaaduhu dhaawaceen.

Gunaanad

Caafimaadka maskaxdu waa rukunka xasilloonida bulshada. Si loo helo horumar, waxaa lagama maarmaan ah inaan ka gudubno aaminsanaanta qaldan, korna u qaadno wacyigelinta ku saabsan saameynta colaadaha. Bogsiinta maskaxda Soomaaliyeed waa tallaabada koowaad ee loo qaadayo mustaqbal barwaaqo leh.

Tixraaca Maqaalka (References):

  • Ahmed, A., et al. (2019): Barashada Fahamka Bulshada ee Cudurrada Maskaxda ee Soomaaliya.
  • UNICEF (2020): Caafimaadka Maskaxda ee Carruurta Soomaaliyeed.
  • WHO (2022): Qiyaasta Cudurrada Maskaxda ee Soomaaliya.
  • Qaramada Midoobay (2021): Horumarka Caafimaadka Maskaxda