SOMALI GIRLS HOPE ASSOCIATION

Somali girls hope association

Somali Girls Hope Association oo Qabtay Madal Aragti Wadaag ah

Somali Girls Hope Association oo Qabtay Madal Aragti Wadaag ah

Ururka Somali Girls Hope Association ayaa si guul leh u qabtay madal aragti wadaag ah oo diiradda lagu saaray “Cusboonaysiinta nafta, dhisidda anshaxa iyo caadooyinka wanaagsan ee waara”. Kulankan oo ahaa mid xiiso leh ayaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa nafta, anshaxa, iyo dhaqamada wanaagsan ee gabdhaha Soomaaliyeed.

Madasha waxaa ka soo qayb galay gabdho aqoon iyo hibbo leh, kuwaasoo si firfircoon uga qayb qaatay doodaha iyo wada sheekeysiga lagu soo bandhigay. Waxaa marti noo ahaa Macallimad Sowda Xasan Xuseen iyo Dr Hafsa Axmed, oo labaduba si qoto dheer uga hadleen mawduuca kulanka, isla markaana bixiyey talooyin iyo tusaalooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta nafta iyo anshaxa wanaagsan.

Kulanku wuxuu ku soo dhamaaday jawi qurxoon oo dhiirrigelin iyo isfaham leh, iyadoo gabdhihii ka qayb galay ay heleen fursad ay ku kobciyaan aqoontooda, isla markaana uga faa’iidaystaan khibradaha iyo talooyinka ay bixiyeen martida kulanka.

Ururka Somali Girls Hope Association ayaa mar kale muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta gabdhaha Soomaaliyeed iyo kor u qaadida wacyiga bulshada ee ku saabsan anshaxa iyo caadooyinka wanaagsan.